Koox Tahriibayaal ah ayaa la soo sheegayaa inay jasiiradda Canary qaarna ku dhinteen kuwa kalana laga soo badbaadiyay.

Markab nuuca lagu dalxiiso ayaa soo badbaadiyay 68 tahriibe halka 5 kalana meydadkooda ay soo heleen islamarkaana soo qaadeen.

Advertisement

Markab nuuca shidaalka qaada ah oo ka baxay Spain kuna sii jeeday Barazil ayaa arbacadii soo arkay dooni ay la socdeen tahriibayaal oo dul sabeeneysa badda Atlaantigga, kadibna wuxuu ku war geliyay markab dalxiis kaasoo ku guuleystay inuu soo qaado tahriibayaasha badankood.

Wakaaladda Howlaha Badbaadinta Badda ee Dalka Spain ayaa laga soo xigtay in doonta tahriibayaasha ay mareysay meel qiyaastii 815 kiiloomitir u jirta koonfurta Jaziiradda Tenerife  oo ka mid ah jaziiradaha  la isuku yirahdo Canaries marka laga war helaayay.

Dowlada Spain ayaa dadaal ku bixisay sidii tahriibayaasha loo bad-baadin lahaa markii ay ku amreen markabka dalxiiska inuu aado dhanka doonida tahriibayaasha soo kaxeeyo.

Shaqaalaha markabka  Dalxiiska oo lagu magacaabo Insignia ayaa 5-ta meyd ay arkeen waxay soo qaadeen oo kaliya 3 halka labada kale ay ku guul-dareysteen inay soo qaadaan cimilada oo xuma sida ay sheegeen.

Waxaa la yaab leh naf hurnimada tahriibayaasha waxay doon ahaan u soo raaceen nuuca kalluumaysatada ee laga isticmaalo  dalalka Mauritania iyo Senegal.

XAFIISKA WARARKA 
DAYNIILE.COM

Dooni sidey 45 qof oo lagu la'yahay inta u dhexeysa Yemen iyo Somalia

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here