Masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta garoonka Aadan Cadde kusoo dhoweeyay 22 dhallinyaro ah oo isugu jira 17 wiil iyo 5 gabdhood, kuwaas oo laga soo badbaadiyay xabsiyada Portsudan, gaar ahaan Dungula iyo Gadaarif ee dalka Suudaan.

Dhallinyaradaan oo xabsiyada dalkaas ku xirnaa muddo saddex bilood ah ayaa la qabtay iyagoo tahriib ah, dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa hay’ado caalami ah ayaa ugu dambeyntii maanta dalkooda Hooyo dib ugu soo celisay dhalinyaradaan.
“Dadaal ay dowladdu sameysay ayay ku timid idinkoo nabad qaba inaad dalka kusoo noqotaan,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo hoggaaminayey masuuliyiin maanta Garoonka Aadan Cadde ku soo dhoweysay dhallinyaro tahriibtay oo laga soo badbaadiyay xabsiyada dalka Suudaan.
May be an image of 3 people
May be an image of 5 people, people studying, table, dais and textMay be an image of 2 people and people studyingMay be an image of 3 people and dais
May be an image of 1 person and daisMay be an image of 2 people, helicopter and textMay be an image of 4 people and textMay be an image of 4 people and textMay be an image of 11 people and textMay be an image of 2 peopleMay be an image of 11 people and textMay be an image of 1 person and dais
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here