Gabar Xildhibaanad ka ah Baarlamaanka Maamul Goboleedka Jubland ayaa agab kala duwan oo taageero ah waxay soo gaarsiisay ciidamada Maamulka Jubaland ee ku sugan furimaha dagaalka ee dhulka Jubaland.

Xildhibaanad Shukri Xareed Maxamuud waxay wakiil ka tahay gabdhaha reer Jubaland ee qurbaha ku sugan gaar ahaan Dalka Maeykanka kuwaasoo deeqdaan ugu talo galay ciidamada Jubaland iyo kuwa xooga dalka ee dagaalka kula jira Alshabaab.
Xildhiaanada waxay agabka gaarsiisay deeganada Galbeed ee gobolka Jubada hoose gaar ahaana deegaanka Cabdalla Biroole iyo deegaanka Buulo-Xaaji oo ku dhawaad 90-KM u jira magaalada Kismaayo.
Agabka Ciidamada la gaarsiiyay wuxuu isugu jira agab kala duwan  sida go’yaasha dhaxanta laga hugsado oo loogu talagalay 1,200 Askari, 120-kiish oo buskud diyaarsan ah iyo caagadaha shaqlan ee ay ciidanku biyaha ku qaadanayaan.
Qalabkaani wuxuu u sahlaya Ciidamada in waqti dheer ay ku jiraan howlgalka ka dhanka ah dagaalamayaasha Alshabaab.
Xildhibaan Shukri Xareed Maxamuud waxay  dhamaan agabkii kala duwanaa ay ku wareejisay Col. Maxamed Xassan Barre (Gaboobe) Talyaha Guutada koowaad ee ciidanka Daraawiishta Jubbaland.
Xildhibaanada waxay xustay in taakuleynta ciidamada aysan intaasi ku ekeyn balse  ay sii socon doonaan taagerada iyo garab istaagga loo muujinayo ciidamada Jubaland iyo kuwa xoogga ee kumaandooska Danab kuwaasoo Alshabaab dagaal kula jira gaar ahaana deegaanada Maamulka Jubaland ka taliyo.
Talyaha Guutada koowaad ee ciidanka Daraawiishta Jubbaland Col. Maxamed Xassan Barre (Gaboobe) wuxuu u mahad-celiyay Xildhibaan Shukri Xareed iyo Gabdhaha qurba joogta ee xildhibaanada usoo wakiishay inay soo gaarsiiso ciidamada.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
May be an image of 1 person and textMay be an image of 2 people and textMay be an image of 8 people and textMay be an image of 11 peopleMay be an image of 9 people and textMay be an image of 8 peopleMay be an image of 1 personMay be an image of 8 peopleMay be an image of 5 peopleMay be an image of 4 people and textMay be an image of 9 peopleMay be an image of 9 people and textMay be an image of 4 people and textMay be an image of 4 people and textMay be an image of 3 people and textMay be an image of 6 people and grassMay be an image of 5 people and textMay be an image of 6 people and grassMay be an image of 4 people
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here