XIGASHO LAACIB.NET
Tababaraha cusub ee Liverpool, Arne Slot, ayaa muujiyay farxaddiisa kaddib markii Mohamed Salah uu ogolaaday inuu sii joogo kooxda, isagoo saxiixay heshiis cusub oo gaaraya ilaa sanadka 2027. Go’aanka Salah ayaa yimid xilli la isla dhexmarayay warar sheegaya inuu u wareegi karo horyaalka Sacuudiga.
Slot wuxuu si gaar ah ugu mahadceliyay agaasimaha isboortiga ee Liverpool, Richard Hughes, iyo mulkiilayaasha kooxda Fenway Sports Group (FSG), isagoo ku amaanay dadaalkooda ku aaddan sidii ay Salah ugu qancin lahaayeen inuu sii joogo. “Sii haynta Salah waa guul weyn, laakiin sidoo kale waa calaamad muujinaysa dadaalka kooxda — dadaal badan oo ku baxday lacag badan,” ayuu yiri Slot.
Heshiiska cusub ee Salah ayaa la rumeysan yahay inuu ka dhigayo mid ka mid ah ciyaartoyda ugu mushaarka badan horyaalka Premier League, iyadoo la sheegayo inuu u dhaxeeyo £400,000 ilaa £500,000 toddobaadkii.
Salah ayaa si weyn uga mid noqday tiirarka ugu muhiimsan ee Liverpool tan iyo markii uu ka yimid AS Roma sannadkii 2017. Wuxuu kooxda u saftay 394 kulan, isagoo dhaliyay 243 gool. Kaliya xilli ciyaareedkan, wuxuu dhaliyay 32 gool iyo 22 caawin.
Slot wuxuu xusay in Salah uu yahay ciyaaryahan aad u xirfad badan, isagoo ku amaanay dadaalkiisa joogtada ah iyo qaab ciyaareedka sare ee uu mar walba soo bandhigo. Tababaraha ayaa sidoo kale tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la sii haysto xiddigaha kale ee muhiimka ah sida Virgil van Dijk iyo Trent Alexander-Arnold si kooxda ay ugu sii jirto tartamada ugu sarreeya.
Iyadoo Liverpool ay hoggaanka horyaalka ku heyso 11 dhibcood, joogitaanka Salah ayaa noqonaya dhiirigelin weyn oo u horseedi karta guulo waaweyn xilli ciyaareedkan iyo kuwa soo socda.