Tababaraha Cusub ee ingiriiska Thomas Tuchel wuxuu yiri England “waa inay si wacan u ciyaaraan” in kasta oo ciyaartiisii ugu horreysay ee tababaraha Three Lions ay ku dhamaatay guul 2-0 ah oo ay ka gaareen Albania.
Gool uu dhaliyay xiddiga da’da yar ee Arsenal, Myles Lewis-Skelly, iyo goolkiisii 70-aad ee xulka qaranka oo uu dhaliyay kabtan Harry Kane ayaa xaqiijiyay inay guul ku bilaabaan isreebreebka Koobka Adduunka 2026.
England ma muujin ciyaar aad u firfircoon, inkasta oo aysan ka caawin Albania oo muddo badan difaacatay iyada oo 11 ciyaaryahan ku jirtay xeradooda.
“Waxa aan qaban karno waa inaan si ka wanaagsan u qabanaa,” Tuchel ayaa u sheegay ITV.
“Si fiican ayaan ku bilownay, waxaan haysanay kubbadda boqolkiiba 100 muddo todoba ilaa siddeed daqiiqo ah oo ay ku jireen baasas badan iyo tamar sare.
“Ciyaaryahannada ka soo horjeedaa aad bay u adag yihiin in la jebiyo maxaa yeelay waxay difaac ku jiraan. Tartankii Euro [sanadkii hore] waxay awoodeen in aysan fursado bixin.
“Qaybtii labaad, waxaan dareemay in aan aad u gaabinay, guud ahaan maanaan sameynin orodyo badan oo kubbadda gadaal uga baxaya.”
Tuchel wuxuu sameeyay go’aanno geesinimo leh kulankiisii ugu horreeyay, isagoo fursad siiyay Myles Lewis-Skelly iyo difaaca Newcastle, Dan Burn, si ay uga soo muuqdaan kulankoodii ugu horreeyay.
Tababaraha Jarmalka ah wuxuu abaal-marin u helay bandhigyo wanaagsan oo ay labaduba sameeyeen, iyadoo Lewis-Skelly uu si qurux badan kubbadda uga dhex mariyay lugaha goolhayaha si uu u dhaliyo goolkii furitaanka daqiiqadii 20-aad, ka hor inta uusan Kane dhalin goolkii labaad daqiiqadii 77-aad.
“Waa ciyaaryahan cajiib ah,” ayuu Tuchel ka yiri 18-jirka Arsenal.
“Shakhsiyad layaab leh.
“Wuxuu xerada xulka yimid wuxuuna isla markiiba muujiyay sababta uu qof kasta ugu jeclaan lahaa.