Muqdisho – Axad – 15-Sept-2024‐ Golaha Warbaahinta Soomaaliyeed ee (GWS) oo kaashanaya Xafiiska UNSOM ayaa maanta Muqdisho ku qabtay tababar ku saabsan kor u qaadida aqoonta iyo xirfadda wariyaasha Soomaaliyeed.

Tababarkaan waxaa ka faa’iidaysan doona 35 wariye oo ka kala socda xarumaha Warbaahinta dalka, waxaana uu socon doonaa muddo 3 maalmood ah.

Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Warbaahinta Qaranka Md Maxamed Shiil oo ka hadlay tababarka ayaa faahfaahiyay ahmiyadda tababarkaan iyo howlaha hortabinta u leh Golaha Warbaahinta Soomaaliyeed.

Tababarkaan waxaa si rasmi ah u furay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta DFS Md. C/llaahi Xayir, waxaana uu hoosta ka xariiqay ahmiyadda uu Golahaan uu leeyahay dalka, isagoo Wariyaasha ugu baaqay in ay ka faa’iidaystaan tababarka.
May be an image of 9 people, lighting, table, wedding and daisMay be an image of 15 people, lighting, table, wedding, dais and textMay be an image of 9 people and daisMay be an image of 12 people, lighting, table, dais and textMay be an image of 15 people, table, dais and textMay be an image of 8 people, table, lighting, dais and textMay be an image of 13 people, table, lighting, dais and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here