Guddiga Arrimaha Gudaha Dib u heshiisiinta Arrimaha Federaalka iyo Xiriirka DXDF ayaa maanta soo gabagabeeyay aqoon iswaydaarsi ku saabsan wacyigelinta leexsiga gargaarka loo qoondeeyay Soomaaliya.
Tababarkani waxaa soo qaban qabiyay guddiga arrimaha gudaha dib u heshiisiinta arrimaha Federaalka iyo xiriirka Dowlad Goboleedyada ee Golaha aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo howla shaqo u jooga Magaalada Kismaayo.
Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Wakiilada Jubbaland Cabdi Baaleey Xuseen ayaa tababar ku saabsan kobcinta wacyigalinta leexsiga gargaarka loo qoondeyay Soomaaliya ku soo xiray aqalka martida ee Magaalada Kismaayo.
Advertisement