Taliye ku-xigeenka Ciidanka ATMIS u qaabilsan Hawlgalka iyo Qorsheynta Maj. Gen. Marius Ngendabanka ayaa shalay Muqdisho uga furay tababar ciidamo ka kala socda Jabuuti iyo Uganda.

Ciidamada Tababarka loo furey ayaa ah Saraakiisha ATMIS ee iskaashiga rayidka iyo militariga (CIMIC) ee ka socda ciidamada Uganda iyo Jabuuti.

Advertisement

Saraakiishaan waxaa la barayaa hawlgallada taageerada nabadda iyo waajibaadka Hawlgalka, wuxuuna socon doonaa mudo 4 maalmood ah,tababarka waxaa soo qaban qaabiyay Kooxda taageerada hawlgalka ee Dalka UK (UKMST) oo kaashanaysa ATMIS.

Dhanka kale tababarka waxaa goob joog ahaa Korneyl Lutangu Sitali, Madaxa ATMIS ee CIMIC, iyo Colonel Shove Gilby, Taliyaha Ciidamada UK ee Soomaaliya.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

May be an image of 7 people and textMay be an image of 7 people and textMay be an image of 6 peopleMay be an image of 6 peopleMay be an image of 8 people

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here