38 askari oo ka tirsan ciidanka booliska ATMIS ayuu usocdaa tababar lix maalmood ah oo ku saabsan maamulka kontoroolada gaadiidka kaasoo ka socda xarunta Waaxda 4-aad ee magaalada Beledweyne.

Tababarka, oo ay fududaysay UNMAS, ayaa ujeedadiiso tahay in la xoojiyo xirfadaha saraakiisha si loo yareeyo khataraha argagixisada iyada oo la isticmaalayo habab jawaab celinta degdega ah.

Mawduucyada waxaa ka mid ah wacyigelinta ka hortagga qaraxyada, wacyigelinta khatarta qaraxyada, baaritaanka dadka & shandadaha, qaybaha walxaha qarxa (IED) iyo baaritaanka baabuurta.

XIGASHO ATMIS
May be an image of 5 people and textMay be an image of 11 people and textMay be an image of 8 people, people studying and textMay be an image of 14 people, people studying and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here