=XAFIISKA WARARKA CIYAARAHA DAYNIILE.COM=
Taageerayaasha Liverpool ayaa aad uga carooday go’aanka daafacooda 25- jirka ah ee dhanka Midig Alexander-Arnold kadib markii uu saacadihii ugu dambeysay go’aansaday inuu Real-madrid aadayo xili ciyaaraeedka danbe.
Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Alexander-Arnold uu aqbalay heshiis uu ugu wareegayo kooxda reer Spain marka uu dhammaado qandaraaskiisa Liverpool oo sanadkaan kala barkiisa ku eg.
Ciyaaryahankaan ayaa maalmihii ugu dambeysay arintisia waxay qabsatay warbaahinta sportiga iyo baraha bulshada xili la hadal hayay inuu ka fekereyo inuu kooxda ka tagayo xili ciyaareedkaan madaama qandaraaskiisa uu dhamaad yahay.
Ugu dambeyn ciyaaryahankaan waxaa hada la sheegay inuu heshiis horudhac ah la gaaray real-madrid inkastoo rasmi ahayn balse uu si shaqsi ah ula galay islamarkaana uu go’aankiisa ugu dambeeya u qaatay inuu ka tago kooxdii uu ku soo dhex bar-aaray ee Liverpool.
Taageerayaasha Liverpool oo ogaaday go’aankiisa ugu dambeeya ayaa aad uga carooday waxayna durba ku baaqeen in keyd la geliyo inta ka dhiman xili ciyaareedkaan oo ah inta uga harsan heshiiska uu kula joogo kooxda.
XAFIISKA WARARKA CIYAARAHA
DAYNIILE.COM