XIGASHO LAACIB.NET
Taageerayaasha Liverpool ayaa isku abaabulaya si ay Trent Alexander-Arnold ugu qanciyaan inuu sii joogo kooxda, xilli wararka la xiriirinaya Real Madrid ay sii kordhayaan.
Taageerayaashu waxay qorsheeyeen inay keenaan boorar iyo calaamado farriimo u sida ciyaaryahanka, kulanka xiga ee ay Liverpool gurigeeda ku ciyaarayso, si ay muujin ugu sameeyaan kalgacalka ay u qabaan.
Ol’olahan ayaa billowday kaddib goolkii quruxda badnaa ee Alexander-Arnold uu ka dhaliyay Leicester City kulankii ay 1-0 ku badiyeen. Dabbaaldeggiisa dareenka lahaa iyo sawirro uu ku daabacay bartiisa Instagram oo ciwaan uga dhigay “Xilliyo Gaar ah” — isla ciwaankii uu Van Dijk u adeegsaday markii uu heshiis cusub saxiixay — ayaa rajo cusub geliyay taageerayaasha.
Mid ka mid ah taageerayaasha ayaa barta X ka yiri: “Waa ciyaaryahan jiilkagan gaar ah. kuma lumin karno si bilaash.” Mid kale ayaa si toos ah u yiri: “Trent waa inuu sii joogaa kooxda”
Taageerayaashu waxay rajeynayaan in fariimahan ay Anfield ku buuxin doonaan ay saameyn ku yeelan doonto go’aanka xiddiga, maadaama weli aysan wax heshiis ah kala saxiixan Liverpool.
Tababaraha kooxda, Arne Slot, ayaa sidoo kale bogaadiyay taageerada joogtada ah ee jamaahiirta, isagoo yiri: “Taageerayaashayadu waxay mar walba ahaayeen kuwa na garab taagan.”
Iyadoo Liverpool ay wali ku jirto loolanka hanashada horyaalka Premier League, isku duubnida u dhexeysa ciyaartoyda iyo taageerayaasha ayaa noqotay hubka ugu weyn ee kooxda. Kulanka soo socda ayaa noqon doona mid muhiim ah, ha ahaado dhinaca horyaalka ama mustaqbalka Alexander-Arnold.