Muuqyada waaweyn ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan suuqa bakaaraha ayaa maanta la filayaa in dib loo furo, ka dib markii afartii maalmood ee la soo dhaafay ay xirnaayeen.

Qaar kamida ah ganacsatada oo la kulmay guddoomiyaha golaha shacabka Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ku baaqay in dib loo furo suuqyada, ka dib markii uu guddoomiyuhu u ballanqaaday in cabashadooda wax laga qabanayo.

Advertisement

Ganacsada suuqyadaas wax ku iibiya ayaa dhowaan qaatay go’aan ay ku xirayaan goobaha ganacsi ka dib markii ay cadaadis dhinaca canshuuraha ah kala kulmeen Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Federalka Soomaaliya iyo maamulka gobolka Benaadir.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here