RIYADH (DAYNIILE.COM)-War ka soo baxay Wasaarada Xajka Dalka Sacuudiga ayaa lagu shaaciyay inay hakiyeen bixinta Viisaha Xajka iyo cumrada 14 dal oo afrika iyo Assia u badan waxaana qeyb ka ah dalalkaani Somalia.
Dalalkaan waxaa ka mida Somalia,Iran,Sudan, Itoobiya,Negeria, Congo,Libiya,India,Pakistan iyo Bangladesh sida muuqata dalalkaani waxaa u badan Afrika iyo Assia.
Sababta ayay Dowlada Sacuudigu ku sheegtay arimo dhanka amniga iyo ciriiriga xajka oo aad u batay darteed.
Warka Sacuudiga ayaa la macno ah in sanadkaani aysan dalalkaani gudan doonin acmaasha sanadka madaama ay cuskanayaan arimo ku saabsan kala yareynta dadka faraha badan ee ciririga badan isku qaba xiliga gudashada acmaashaasi.
Talaabada hakinta bixinta Viisaha dalalkaasi ayaa ku soo aadaya ka hor waqtigii la bixin jirey viisaha xujeyda iyo waliba ka hor xiliga gudashada xajka.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM