Ciidamada Israel ayaa duqeeyay waxa loogu yeero “aagga bini’aadantinimada” ee al-Mawasi ee koonfurta Gaza, halkaas oo ay ku dileen ugu yaraan 10 falastiiniyiin ah, iyadoo roobab, qabow iyo cunto la’aan ay uga sii darayaan dhibaatooyinka bini’aadanimo ee ka dhashay 14 bilood oo dagaal ah.

Advertisement

Wasiirka difaaca Israa’iil Israel Katz ayaa uga digay Xamaas in haddii ay joojin waayaan weerarada ay ku hayaan dalkiisa oo ay sii deyn waayaan maxaabiista lagu haysto Gaza, in kooxda “ay heli doonto dharbaaxo xoog aan la arag” muddo dheer.

Sarkaal ka tirsan caafimaadka Falastiin ayaa sheegay in ilmo toddobaad uu qabowga ugu dhintay Qaza, taasoo guud ahaan dhimashadu ka soo gaadhay hypothermia siddeed, iyadoo dadka barokacay ay la daalaa dhacayaan roobab mahiigaan ah oo daadad ku qaaday guryaha cooshadaha ka samaysan ee dhulka.

Maamulka falastiiniyiinta (PA) ayaa Aljazeera ka joojiyay in ay baahiyaan idaacadaha daanta galbeed ee la haysto, iyaga oo ku eedeeyay shabakada in ay sii daysay waxyaabo “ marin habaabin ah”. Al Jazeera ayaa cambaareysay go’aankaas.

Dagaalka Israa’iil ee Qaza waxa uu dilay ugu yaraan 45,553 falastiiniyiin ah, waxaana ku dhaawacmay 108,379 tan iyo Oktoobar 7, 2023. Ugu yaraan 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii lagu jiray weerarradii ay Xamaas hoggaaminaysay maalintaas, in ka badan 200 oo qofna waa la qafaashay

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here