=XIGASHO BBC SOMALIA=
Abuukar Baalle

Dawladda Soomaaliya ayaa waxay cabasho ku aadan ciidamada Itoobiya oo sida ay sheegtay “si sharci darro ah” u soo galay gudaha Soomaaliya u gudbisay Qaramada Midoobay.

Kulanka looga hadlayay xaalka amni ee Soomaaliya oo ay xaadir kuwada ahaayeen masuuliyiinta Qaramada Midoobay iyo kuwa ka socday Midowga Afrika, ayaa safiirka Soomaaliya u qaabilsan Abuukar Cusmaan Baalle waxa u uku eedeeyay askarta dawladda Itoobiya in ay “si sharci darro ah uga soo tilaabeen xadka Soomaaliya”.

Advertisement

“Sababo la xiriira talaabooyin ay qaadeen ciidamada Itoobiya, oo ay kamid tahay in si sharci darro ah ay u soo jiireen xadka Soo jiireen xadka Soomaaliya, ayaa waddanka ku qasabtay in uu wax ku kordhiyo qorshihii bixitaanka ee Septemper,” ayuu yiri Abuukar oo shirka ka hadlayay.

Ciidamada ATMIS ayaa hawlgal kooda Soomaaliya qorshahu ahaa in ay isaga baxaan dalka dhamaadka sanadka, balse warka soo baxay Midowga Afrika ayaa lagu sheegay in wax iska badaleen qorshihii hore, kadib codsi ka yimid dhanka Soomaaliya.

Ciidanka Itoobiya

“Dawladda Soomaaliya waxay ku boorineysaa golaha in ay tixgalin siiso caqabadaha ka imaan kara talaabooyinkaan xasilooni darrada ku sababaya Soomaaliya iyo gobolkaba,” Safiirka Soomaaliya ayaa hadalkaas golaha ku sii xoojiyay.

Dawladda Itoobiya ayaan wali wax hadal ah ka soo saarin eeda ay u jeedisay dawladda Soomaaliya.

Qaar ka mid ah dadka deggan deegaanada xuduuda Soomaaliya ee dhanka Itoobiya, ayaa todobaadkii hore sheegay in ay arkeen ciidamo Itoobiyaan ah u soo talaabaya xadka Soomaaliya.

Gudoomiyaha degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan oo BBC da la hadlay ayaa sheegay in tiro ciidamo Itoobiyana ah ay gudaha u soo galeen degmada uu ka arrimiyo iyaga oo aan wax fasax ah ka haysan dawladda Soomaaliya.

Bashiir Cabdiraxmaan Sheekeeye ayaa BBC da u sheegay in ciidamada soo galay gudaha degmada ay tiro ahaan gaarayeen 3000 oo askari.

“Waxay ahaayeen ciidan aad u tiro badan oo aan ka mid ahayn ciidanka ATMIS oo jooga oo u haysta ruqsadda in ay Soomaaliya nabad ilaalin u joogaan”. Ayuu yiri gudoomiya Bashiir Cabdiraxmaan oo BBC da la hadlayay.

Xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa xumaaday tan iyo markii Itoobiya heshiis is afgarad ah oo muran badan dhaliyay la saxiixatay Somalialnd. Heshiiskaas ayaa dhigayay in Itoobiya ay bad ka kireysato Somaliland si ay ugu isticmaasho arrimo ay ka mid yihiin saldhig ciidan.

La taliyaha amniga qaranka Soomaaliya Xusseyn Cali, ayaa dhaawan ugu baaqay dawladda Itoobiya in ay iska hakiso heshiiskii ay la gashay Somaliland ka hor dhamaadka bisha June, dhamaan ciidamada Itoobiya isaga baxaan dhulka Soomaaliya.

Askar Itoobiyaan ah

Eedaan cawaaqib nuucee ah ayay ku keeni kartaa Itoobiya?

Wasiirkii hore ee arimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo la hadlay BBC da ayaa qaba in ay tahay qalad dublumaasiyadeed talaabada ay ku dhaqaaqday dawladda Itoobiya, “balse marka la eego cawaaqib sida ay wax u muuqdaan waxbaa iska badali kara”, ayuu BBC da u sheegay Cawad.

Ciidmada Itoobiya ayuu sheegay Cawad in ay muddo ku sugnaayeen Soomaaliya, iyada oo shaqadoodu ahayd in ay la dagaalamaan al Shabaab. Waxa uu intaas ku daray in dunida iyo Afrikaba ay ka war hayaan shaqada ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya, taasina ay noqoneyso mid ay tixgalinayaan adduunyadu.

“Waxaa laga yaabaa in innaga la inoo maleeyo in aynu nahay qolyo aan abaal aqoon,” ayuu yiri Cawad oo ka warrmayay qiimeynta lagu sameyn karo kiiskaan ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

Xaalka labada ayaa ad u sii xumaanayay bilihii u dambeeyay, waxaana dhexmaray wax khubarada qaar ay ku tilmaameen “dagaal dublumaasiyadeed”.

Soomaaliya ayaa bishii Febraayo ee sanadkaan waxay sheegtay in Itoobiya ay hor istaag ku sameysay wafdi uu hugaaminayay madaxweynaha Soomaaliya, kaas oo ka qayb galayay shir Midowga Afrika ay ku lahaayeen Addis Ababa.

Itoobiya ayaa xilligaa xilligaas ku jawaabtay: “Xukuumadda Itoobiya waxay si diirran u soo dhoweysay madaxweynaha Soomaaliya, ayadoo la siiyey xushmad buuxda oo ah tan la siiyey dhamaanba madaxda u yimid midowga Afrika.

Ma jiro wax is hor fadhi xal ku saabsan ah oo labada dhinac ilaaiyo haatan inta aan ka warhayno.

XIGASHO BBC SOMALI

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here