54 sano kadib, Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ugu biirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyadoo horay loogu doortay kursiga xubin aan joogto aheyn 2025-2026, waxaana maanta u bilowday muddo xileedkaan.
Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobey Mudane Abuukar Daahir Cismaan (Abuukar Baalle) ayaa qoraal kooban oo uu soo saaray wuxuu ku yiri, “Waxaa naga go’an inaan ilaalino Axdiga Qaramada Midoobay, waxaana u heellannahay ilaalinta nabadda iyo amniga caalamiga ah.”
“Muddo 52 Sano ah kadib, inaan xubin ka noqono Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxay muujineysaa kobaca diblomaasiyadeed ee ay sameysay Soomaaliya.”ayuuyiri Wasiirka arimahadibada Somalia Axmed Macalin Fiqi.
Wasiirka wuxu sidoo kale sheegay inay Soomaaliya maanta go’aan ku leedahay halka aqoonsiga laga siiyo dowladaha cusub ee adduunka.
“Faa’iidooyinka ugu waaweyn ee Soomaaliya ugu jirta ka mid noqoshada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay waxaa ka mid ah, inay u doodo xuquuqda Gobolka Geeska Africa iyo inay saaxibo badan ku kasbato.”ayuu markiisa yiri Xoghayaha joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumada Soomaaliya Xamse Xaadoow
Advertisement