Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa noqonaysa hoggaanka Madasha Iskaashiga Wasiirrada Maaliyadda Dalalka Geeska Afrika (Horn of Africa Initiative) 2-da sano ee soo socota oo ka bilaabanaysa bisha April 2025.

Shirka 23-aad ee Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika oo lagu soo gabagabeeyay Magaalada Addis Ababa ayaa looga dhawaaqay in Guddoomiyaha cusub ee Madasha uu noqonayo Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige oo xilka kala wareegaya Wasiirka Maaliyadda Ethiopia oo ahaa guddoonka madasha 2-dii sano ee la soo dhaafay.

Advertisement

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige oo qoraal kooban soo saaray ayaa mahadcelin iyo bogaadinta golaha kadib, waxa uu xaqiijiyay in uu si hufan oo cadaalad ah u maamuli doono madasha Iskaashiga Geeska Afrika.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here