Mudane Mustafa Yaasin Sheikh, Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa loo doortay inuu ku metelo dalkeena xubinimada guddi heer caalami ah oo hagi doona Hay’adda Talo-bixinta Caalamiga ah ee loogu talagalay xoojinta kaabayaasha isgaarsiinta ee xargaha badda hoosteeda mara (the International Advisory Body for Submarine Cable Resilience).
In Soomaaliya loo doorto xubinninada guddigan ayaa muujinaysa doorka sii kordhaya ee dalkeenu uu ku leedahay wada-hadalka caalamiga ah ee ku saabsan ilaalinta iyo horumarinta kaabayaasha muhiimka ah ee isgaarsiinta, taas oo haatan u badan xargaha badda hoosteeda mara.
Hay’addan La-talinta, oo ay si wadajir u aasaaseen Hay’adda Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU) iyo Guddiga Ilaalinta Kaabayaasha Isgaarsiinta Badda Hoosteeda ayaa diiradda saaraya baahida degdegga ah ee lagu xoojinayo xargaha badda hoosteeda, kuwaas oo qaada in ka badan 99% xogta caalamiga ah ee la isdhaafsado.
Hay’addan ayaa door muhiim ah ka qaadanaysa la dagaallanka khataraha sii kordhaya ee dhinaca amniga iyo caqabadaha juquraafiyeed ee saameeya kaabayaasha muhiimka ah ee isgaarsiinta adduunka.
Ka qaybgalka Soomaaliya ee hay’addan heer caalami ah wuxuu caddeyn u yahay sida uu dalkeenu uga howlan yahay horumarinta isku-xirnaanta dhijitaalka ah ee dalka iyo iskaashiga caalamiga ah ee lagu xoojinayo isku-xirnaanta caalamiga ah.
Advertisement