=XIGASHO BBC SOMALI=

Wadahadalada

Advertisement

Wufuud ka kala socota dowladdaha Soomaliya iyo Itoobiya ayaa maanta u ballansan in ay ku kulmaan dalka Turkiga halkaas oo lagasii amba qaadi doono wadahadaladii u dhexeeya Soomaaliya Iyo Itoobiya, ee ku aaddanaa dejinta xiisaddii u dhexaysa labada dal.

Turkiga ayaa leh doorka dhexdhexaadinta.

Soomaaliya iyo Itoobay ayaa xiisadda u dhaxaysaa soo bilaabatay bilowgii sanadkan ka dib markii Addis Ababa heshiis is afgarad ah la gashay Jamhuuriyada Iskeed Madaxbanaannida ugu dhawaaqday ee Somaliland.

Wasirka warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac oo ka mida waftiga Soomaaliya ee ku sugan Ankara ayaa BBC-da u sheegay in shirka maanta u furmaya Soomaaliya iyo Itoobiya uu noqonayo wajiga labaad ee dadaallada Turkey ku doonayo inuu xal ugu raadiyo xasaradda ka oogan gobolka.

“Dabcan dadaaallo dheeriya ayaa jira oo Turkigu sameeyey, waana ugu mahadcelinaynaa madaxweynaha Turkiga dadaalladaas dheeraadkaa ee uu sameeyey” ayuu yiri Daa’uud Aweys.

Bishii Luuliyo ee sanadkan oo labada dhinac wadahadalladoodu ka bilowdeen Ankara ayaa is araga xiga loo balamay bisha Semtember wallow waqtigaas laga soo hormariyey.

“Waxaan ku xaqiijin karaa in soo dadajinta ay ka timid dadaalada dheeraadka ah ee dowladda Turkiga ay ku dhaqaaqday, oo dhawaan xitaa wasiirkoodii arrimaha dibadda uu tagay Itoobiya, Soomaaliyana xiriiro dhow ay la soo samaynayeen marka waxaa loo arkay mumiin inay tahay in wajiga labaad uu deg deg u furmo oo laga soo hormariyo toddobaadyo muddadii horrey loogu balamay” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Soomaaliya Daa’ud Aweys.

Wuxuu sheegay wasiirku in madaxweynaha Turkigu uu teleefoonka kula hadlay xalay madaxweyne Xasan Sheekh iyagoo ka wada hadlay dadaallada iyo sidii horrey loogu sii ambaqaadi lahaa.shirka turkiga

Maxa laga filayaa shirkan?

Sida uu BBC-da u sheegay wasiirka warfaafinta Daa’uud Aweys, shirka ayaa ka sii anba qaadaya halkii horrey loo taagnaa, balse wuxuu ku adkaystay inaysan Soomaaliya marna ka tanaasuli doonin mowqifkeedii hore ee ahaa dhowrista madaxbaannida iyo Qaranimada Soomaaliya.

Itoobiya ayaa horrey u sheegtay inay doonayso inay boos ka hesho badda cas balsse dowladda Soomaaliya ayaa dhowr jeer ku celcelisay in Itoobiya ay martay dariiq an ahay kii saxda ahaa sida uu sheegay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hadal u jeedinayey labada aqal baarlamaan ee Soomaaliya.

Dhawaan ayey ahayd markii wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga Hakan Fidan oo booqday Addis Ababa uu sheegay in Itoobiy loo ogolaan doonno marin baddd ah.

Isagoo ka jawaabayey arrintaasi wasiir Aweys ayaa yiri: “Dabcan taasi waxay ka dhigan tahay sida xeerarka Qaramada Midoobay ee ‘UKLAS’ dhigayo, wamada aan badda lahayn iyo wadamada dariska la ah ee baddaha leh in ay heshiisyo la galaan oo ay markaasi helaan marin baddeed”.

“Marin baddeed macnaheedu maha wax ka baxsan ganacsi,” ayuu yiri Daa’uud.

Guuleed Dafac, oo ah garyaqaan arrimaha gobolkana ka faalooda ayaa xusay in marka la eego hadalkii wasiirka arrrimaha dibadda ee Turkiga laga dareemayo wada hadalkaasi inuu u egyahay mid ay suura gal tahay inuu miro dhalo.Is afgaradkii Somaliland iyo Itoobiya

Maxay ka tiri Somaliland

Jamhuuriyada Iskeed Madaxbanaannida ugu dhawaaqday ee Somaliland ayaa horrey ugu hadashay mowqfikeeda wada xaajoodyadii hore ee Turkiga ku dhexmaray Itoobiya iyo Somaliland iyadoo xustay inaysan qusayn Somaliland sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda ee Somaliland.

Wasiirka warfaafinta Somaliland Cali Xasan Maxamed Mareexaan ayaa BBC-da u sheegay in ay tuhunsan yihiin in dawladda Soomaaliya ay iyadu qaadato doorka galista heshiiska.

“Arintani waxay markhaati u tahay arrintii aanu in badan sheegnay ee ahayd in Dawlada Muqdisho doonayso in ay iyadu saxeexdo”.

“Waa la ogyahay in Jamhuuriyada Somaliland aanay ahayn Soomaaliya, hesiishyo farabadan ayey galaan qoladaa Xamar, weligeedna heshiis ay galeen kama fulin Somaliland.” ayuu yir Cali Mareexaan.

Waxa uu intaas raaciyay Cali Mareexaan in hadii dawladda Soomaaliya ay ogolaansho siineyso Itoobiya ay siin karto uun inta ay ka maamusha Soomaaliya, balse aysan bixin karin dhulka Somaliland.

Heshiiska is afgaradka ee Somaliland iyo Itoobiya

Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa magaalada Addis Ababa kowdii bishii janaayo ee sanadkan ku kala saxiixday heshiis is afgarad ah.

Is afgaradka ayaa dhigayey in Itoobiyo laga kireeyo dhul badeed dhan ilaa 20 kiilo mitir, taas badalkeedana ay Itoobiyo aqoonsi siiso Somaliland.

Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa si weyn ugu hortimid heshiiska iyadoo ku tilmaamtay in Itoobiya ku xadgudubtay midnimada Dhuleed iyo qaranimada Soomaaliya.

Xiisadda ka dhalatay arrintaas ayaa cirka isku shareertay iyadoo labada dal ay eedeymo isku jeediyeen.

=XIGASHO BBC SOMALI=

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here