Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada XFS 𝗫𝗶𝗹𝗱𝗵𝗶𝗯𝗮𝗮𝗻 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗔𝗮𝗱𝗮𝗻 𝗠𝗮𝗰𝗮𝗹𝗶𝗻 𝗖𝗮𝗹𝗶 (𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶) ayaa ka qeybgalay Shirka Wasiirada Isgaarsiinta ee ka qeybgalaya Madasha 𝗪𝗦𝗜𝗦𝟮𝟬 oo sanadkaan lagu qabtay Magaalada Geneva ee wadanka Switzerland.
𝗦𝗵𝗶𝗿𝗸𝗮𝗮𝗻 ayaa diiradda lagu saaray Guusha dabaal degga sanadguurada 20-aad ee ka soo wareegtay xilliga la aasaasay, heerarka ay soo martay iyo halka loo jiheesanaayo, waxaana la Isla qaatay in la xoojiyo mabaadii’da 𝗪𝗦𝗜𝗦𝟮𝟬 ee Nidaamka Maamulka Dhijitaalka ah ee Caalamiga ah iyo sida la isaga kaashankaro.
Wasiirka Isgaarsiinta 𝗫𝗶𝗹𝗱𝗵𝗶𝗯𝗮𝗮𝗻 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶 ayaa Shirka Wasiirada ka jeediyey khudbad dhinacyo badan taabaneyso.

Soomaaliya waxa ay meel fiican ka gaartay Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada marka la fiiriyo Tobankii sano ee la soo dhaafay, Adeegga Internetka oo la baahiyey iyo xarkaha keeno oo la dhigay meelo badan oo Dalka ah si loo fududeeyo isku xirka kaabayaasha dhijitaalka Dalka, waxaana gaarsiindoonaa wadamada deriska ah kuwa aan la heyn badda oo ka faa’iideesanaya isku xirka Bariga Afrika”

𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 ayaa sidoo kale sheegay in Dowladda Soomaaliya diyaar u tahay kobcinta iskaashiga caalamiga ah iyo arrimaha muhiimka ah ee dhijitaalka ah, iyadoo la hubinayo in horumarka Teknoolojiyada mustaqbalka ay faa’iido u leeyihiin qof walba, gaar ahaan dadka aadka u nugul.

Sanad walbo Madasha 𝗪𝗦𝗜𝗦 waxaa qabanqaabiya Ururka Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU) waxaana sanadkaan dib loo milicsaday 20 sano kadib iyo guulaha la gaaray.
=XIGASHO WARBAAHINTA DOWLADA=
May be an image of 3 people, newsroom and textMay be an image of 17 people and suitMay be an image of 8 people, people studying and newsroomMay be an image of 4 people, people studying and textMay be an image of 2 people, people studying, television, table, newsroom, crowd and textMay be an image of 11 people and newsroomMay be an image of 11 people and newsroom
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here