Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa is-afgarad rasmi ah ku gaaray in ciidamada Itoobiya ay ka mid noqdaan howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee AUSSOM.

Heshiiskan muhiimka ah ayaa yimid kaddib booqasho sare ay shalay magaalada Muqdisho ku yimaadeen Taliyaha Militariga Itoobiya, Sareeye Gaas Birhanu Jula, iyo Agaasimaha Sirdoonka Itoobiya.

Advertisement

Mas’uuliyiintaas ayaa kulamo gaar ah la yeeshay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Gen. Odowaa Yuusuf Raage, iyo Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Cabdullaahi Sanbalooshe.

Kulankan ayaa lagu xoojiyey dadaallada amni ee ka dhaxeeya labada dal, iyadoo si gaar ah loo dardargelinayo heshiisyadii hore ee iskaashiga ciidan iyo amniga guud ee gobolka.

“Labada dowladood waxay si buuxda u garwaaqsadeen in albaabka Soomaaliya uu yahay Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS), iyada oo si adag loo dhowrayo madax-banaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.”ayaa lagu yiri war laga soo saaray kulankii ay yeesheen.

Booqashada ay saraakiisha sare ee Itoobiya ku tageen Soomaaliya ayaa kusoo beegmaysa xilli madaxda DFS ay doonayaan in dib-u-habeyn lagu sameeyo joogitaanka ciidamada Itoobiya ee gobollada xuduudka la leh dalkaasi, kaddib xiisado siyaasadeed oo jiray.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here