Maxaa looga qarinaa Jiilka Cusub. No. 6
Deeq waxbarasho
1. Dowladii Md. Aadan Cadde.
Dalka waxaa jiri jiray, deeqo wax barasho oo Dalka Dibadiisa ah, Bacdamaa Dalka ayna ka jirin Jaamacad. waxaa xaq u lahaa dhamaan Ardayda Dugsiyada Sare ka baxday in ay imtixaan u galaan. Lagumana qeybi jirin Gobal ama Qabiil. Waxaa ugu badnaa, Sudan, Masar, Talyaaniga, Ruushka iyo wadama kale.
2. Dowladii Md. Cabdirashiid
Wakhtigii Maxamed X. Ibrahim Cigaal uu ahaa RW, ayaa deeq wax barasho laga helay Dalka Holland oo aheyd 50 Arday. Deeqihii waxaa hoos looga wada qoray Arday Deegaan ahaan Reer waqooyi aheyd. waxaa ka war helay Ardaydii Dugsiyada sare ee Magaalada, waxaa dhacay Banaanbax weyn oo dhamaan Ardaydii ay dhigeen. Wakhtigaa ma jirin cid fasax looga rabay banaanbaxyada iyo cid dambi looga dhigayo maxaad u bananaanbaxday.
Ardaydu waxa ay ku qeylinayeen ( Hollandees dooni meeyno) Hollandees waa Af talyaani = Holland) waana halka ay ka timid markii Dambe in Reer waqooyiga loogu yeero Hollandees. si deg deg ah ayaa loo joojiyay deeqihii, kadibna imtixaan ay Ardaydu u siman yihiin ayaa la qaaday.
Waxaa jiri jiray Xuriyadda kadib Sharci ahaa in Ardayda ka timaad Galkacyo iyo inta ka waqooyeyso iyo kuwa ka yimaado Dhulka Somaliya Galbeed ee Xamar u joogo waxbarasho Dugsi sare/dhexe in Dalka gudahiisa looga dhigi deeq wax barasho Dowladuna siiso 60 shillin Ardaygiiba. ” waxa ay aheyd Lacag weyn” , si loo dhiiri galiyo wax barashadoodo.
Taasi waxaa ka dhashay in Dowladda loo arko in ay kala soocee Ardayda, Ardayda koofurta ee Fasalka la fadhiyo Ardaygaa ee Agoon ah ama Xer Diineed ah in la yiraa Adigu Gurigaaga ayaad joogtaa ee Hooyadaa oo Muufo dubto hakaa dhiibto, waxaana ka dhashay Cuqdo, is naceyb iyo Wajidadab ka dhax dhashay Ardaydii.
Ardaydu waxa ay lahaayeen Xuriyad ay ku banaan baxaan si nabad ah aragtidoodana ay ku muujiyaan.
3. Dowladii Md. Maxamed Siyaad
Kacaankii ayaa Bilaabay in Deeqaha wax barasho uu ku bixiyo sida loo kala kacaansanyahay laakin aan la tixgalin Aqoonta, kadibna qaab Qabiil ayaa lagu qeeybi jiray deeqaha wax barasho wakhtiyadii dambe ee kacaanka.
Kadibna Kacaanku waxa uu mamnuucay Banaanbax aan isaga lagu taageereeyn, illaa Hadda Ardayda waxaa ku qafilan xayiraadii kacaanka ee Aabayaashood la saaray. Dowladihii dambena waxa ay qaateen isla Wadadii Kacaanka in aan Ardayda loo ogolaan in ay si nabad ah u sheegtaan Baahidoodo, Xataa Jaamacadihii, Macalimiintii dugsiyada ayaa loo diiday in dhibaatada ay tirsanayaan ay ku muujiyaan Banaanbax nabadeed.
4. Dowladii Md. Cali Mahdi
Waxaa jiray deeqo wax barasho oo kooban, waxa ka mid ahaa kuwii Talyaaniga, Yaman iyo kuwa UN ay bixineeysay oo laga helay Jaamacadaha Kenya iyo meelo yar yar. Kuwaasi sooma dhaafi jirin Gacanta Cidda ugu horeeyso oo ay ku soo dhacdo ama Qofkii soo qalqaaliyay.
5. Dowladii Md. Cabdibqaasim
Ma maqal wax muuqdo oo ah deeq wax barasho, laga yaabee in ay jiraan.
6. Dowladii Md. Cabdullahi Yusuf
Wixii ka horeeyay Dowladii Cabdullahi Yusuf deeqaha wax barashadu waa yaraayeen. Deeqihii ugu horeeyay ee markaa la helay waxa ay aheyd 300 China, 250 waxaa la siiyay hal Beel, 50 waxaa loo qeybiyay wasiiro. Waxaa kale oo jiray deeqo laga helay Hindia, kuwaa Dowladda dhexe looma soo gudbin waxaa toos loo siiyay Gabalo gaar ah,waxa kale oo jiray kuwo laga helay Ethiopia iyo meela kale.
7. Dowladii Sh. Shariif.
Waxaa ugu muhimsanaa 40 Arady oo deeq wax barasho aheyd, kuwaa oo badanaa ay bixiyeen shirkado Shidaal, markaa oo sh. Shariif uu ku sugnaa Dalka Mareykanka. waxa ku jirtay Jaamacadda “Harverd University” , Ardaydaa oo badankooda la bari lahaa Culuum la xiriirto shidaalka. Waxaa la yiri: Imtixaan ka soo qaada Ardaydiina marka aad noqotaan ee liiska noo soo dira.
Intii Mareykanka la joogay Saacado Gudahood ayaa Milkiilayaashii Dowladda ee wafdiga la socday ay gudubsadeen Liis Beeleeysan oo ka kooban 40 Arday iyada oo Madaxda Sare laga qariyay. Liiskii markii ay arkeen shirkadihii waxa ayey ogaadeen in Ardaydaan aan imtixaan laga qaadin, waana joojiyeen Deeqihii.
Kadib, Waxaase si hoose Dad loo siiyay deeqo kale oo aan badneeyn oo dhinaca Carabta ka yimid.
8. Dowladii Md. Farmajo.
Deeqaha waxbarasho lamaba soo bandhigi jirin, waxaana helayay oo Cidii ay doonaan siinayay Wasaaradda Arimaha Dibadda oo kaliya si aan loo ogaan, deeqahaa waxaa u badnaa Dowladaha Reer Galbeedka gaar ahaan Talyaaniga.
Deeqaha badanna intii la sii lahaa Ardayda u baahan, waa la xayiri jiray ilaa uu wakhtigoodu ka dhaco iyada oo aan laga faa’iideysan.
9. Dowladii Md. Xassan shiikh
Dowladda Hadda jirto, waxa ay ballan qaaday in deeqaha wax barasho la soo dhaji doono lana shaaci doono, kadibna si cad Ardaydu ay ugu tartami doonaan, Fagtii horeba waxaa la helay 500 deeq wax barasho, kadibna qulqul Deeq wax barasho ayaa ka yimid dibadda sida: china, Sudan, South Korea, india, Italy, Egypt, uganda, Russia, Sucuudi, Serbia iyo kuwa kale.
Dhamaantood Deeqahaa Wax barasho meel lagu soo bandhigay ma arag, imtixaan loo galayana ma arag, haddana Sooma dhaafin Xeeyndaabka Wasaaradda Tacliinta Sare iyo inta Xiriir Qaraabo iyo mid masaalix la leh. Cabashadii Jaamacadaha Gudaha iyo Macalimiintiina waxaa Wasaaraddu u aragtay Dambi. Ardaydu Banaanbaxa kuma muuji karaan Aragtidooda si ay u raadsadaan Xuquuqdooda, Wasaaradii ayaana noqotay Qonful hal qaf uu furihiisa heeysto.
Laga soo bilaabo, Deeqdii wax barasho ee Hollandees doonimeyno, ilaa maanta Deeqaha wax barasho, marna Farta farteeyn iyo Fujisba lagama dhaafin.
Maxaa Jiilka cusub looga qarinaa? .
La soco. Qeybta 7aad
FG: wixii ka khaldan ka sax, wixii ka dhimanna ku dar.
Qore: Yahya Amir
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here