CAPE TOWN (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Dalka Koonfur-Afrika ayaa sheegaya in xalay caasimada Dalkaasi Cape Town lagu dilay wiil Soomaali ahaa kaasoo ku sugnaa goobtiisa shaqo.

Kooxah dilka fuliyay oo ahaa burcad koonfur Afrikan ayaa muwaadinka Soomaaliyeed waxay ugu tageen tukaan uu ka shaqeynayay kadibna gudaha tukaanka ayay ku dhex dileen.

Advertisement

Ciidamada Booliiska ayaa sida lagu yaqaanayba yimid markii burcadu baxday iyagoona markaasi kadib iska dhig dhigayay dad wax baaraya laakiin waxay u badan tahay inay is ogyihiin iyaga iyo burcada madaama aysan inta badan waxba ka qaban dilalka lagu hayo Soomaalida.

Dalka Koonfur Afrka ayaa ah halka ugu badan ee dunida muwaadiniinta Soomaaliyeed si dayacaad ah loogu laayo,mana jirto wax talaabo adag ah oo ay Booliiska dalkaasi qaadaan marka laga reebo inay meydka geeyaan goobaha meydadka la dhigo si ehelkiisu u aastaan.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here