WESTERN CAPE (DAYNIILE.COM)-Wararka ka imaanaya Xaafada Usta oo ka tirsan Magaalada Western Cape ee Dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay wiil Soomaaliyeed oo magaciisa lagu soo koobay C/fataax kadib markii dab lagu qabtay Tukaankiisa.

Gudoomiyaha Jaaliyada Soomaaliyeed ee K/Afrika ayaa sheegaya in xalay laga war helay Tukaanka oo holcaya waxaana la tuhunsan yahay inay burcad koonfur Afrikaan ah ka danbeeyeen dabka la qabadsiiyay Tukaaka.

Advertisement

“Dabka xalay lagu gubay muwaadiniinta Soomaaliyeed waxaa u dhintay C/fatax sidoo kale waxaa ku dhaawacmay laba kale oo Soomaali “ayuu yiri Gudoomiyaha Jaaliyada.

Marka laga soo tago wiilka dhintay kuwa dhaawaca waxaa u suurtagashay inay helaan adeeg caafimaad iyo gurmad lagu gaarsiiyay isbitaalada.

Allaha u naxariistee dilka muwaadinkaasi Soomaaliyeed loo geystay iyo kuwii ka horeeyayba waxaa la aaminsan yahay in Dowlada Koonfur Afrika aad uiga gaabisay inay wax ka qabato dhibaatada Soomaalida lagu hayo waliba inay raali ka yihiin ba muuqataba.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here