NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Saaka xiligii Salaada Subax waxaa Xaafada Islii ee Nairobi  lagu toogtay Soomaali dhalinyaro ahaa Rabi ha u naxariistee.

Wararka sugan ee aan helnay ayaa sheegaya in askari Booliis ah oo Kenyaan islamarkaana goob ganacsiga waardiyenayay uu ka danbeeyay dilkaani.

Advertisement

Wararka ayaa tilmaamaya in dhalinyaro Soomaali ah oo uu ka mid yahay kan la dili doono uu soomaali kale oo salaadii subax u socday uu ka dhacay Mobile uu watay xili toorey uu ku hubeysnaa.

Askariga Booliiska ah ayaa arkay markaa kadib wuxuuna si degdeg ah ugu amray tuugada Soomaalida ah inay celiyaan Mobile-ka balse way ka madax adeegeen walibana waxaa la sheegay inay si xun ula hadleen askariga taasoo keentay inuu madaxa xabad kaga dhutay sidaana isla goobta ugu geeriyooday.

Dhanka kale tuugadii kale ee la socotay midka la dilay ayaa goobta ka baxsaday iyagoo hore ula sii cararay Mobile-kii ay dhaceen,warar kale oo aan la  xaqiijin ayaa sheegaya in kuwa baxsaday midkood uu soo gaaray dhaawac sahlan .

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here