Hay’add Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka ayaa maanta dalka ku soo dhaweysay 107 qof oo ah Muwaadiniin Soomaaliyeed, kuwaas oo Qaxooti ku ahaa Dalka Yaman.

Dadka oo isugu jiray Haween, dhalinyaro, Caruur, iyo dad Waayeelo ah ayaa daruufo xooggan ku wajahayay dalka Yaman.

Advertisement

Dib u soo celinta dadkaan ayaa waxaa ka shaqeeyay Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka (NCRI) oo kaashanaysa Hay’adda Qaxootiga Adduunka UNHCR.

Muwaadiniintaan Soomaaliyeed ayaa markii ay kasoo dagaan Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde waxaa loo gudbisay Xarunta Soo dhaweynta soo-laabtayaasha ee Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka, waxaana la gudoonsiiyay deeq kala duwan oo aas-aas u ah noloshooda.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here