SAO PAULO (DAYNIILE.COM)-Magaalada São Paulo ee dalka Brazil waxaa laga soo sheegayaa in dhalinyaro Soomaaliyeed ay ku xaniban yihiin mudo asbuuc ah garoonka diyaaradaha Magaaladaasi.

Dhalinyarada Soomaalida ee la heysto ayaa ku aaday dalka Brazil xili ay dalkaasi uu soo saaray sharci ah inay joojiyeen qaabilaada dadka qaxootiga ah sida uu sheegay mid ka mid ah dhalinyarada oo la hadlay BBC-da.

Advertisement

” waxaan ku soo aadnay dalka Brazil  iyadoo maalin ka hor uu soo baxay sharci ay soo saartay dowladda Brazil oo la xiriira inay joojisay qaabilaadda qaxootiga”ayuu yiri Amiir Nuur Cali oo ka mida dhalinyarada la heysto ee Soomaalida ah.

Soomaalidaan oo qaab tahriib ah ku socda ayaa dhamaantood ka soo baxay dalka Koonfur frika waxayna rabaan inay Mareykanka tahriib ku galaan islamarkaana Brazil ay ka rabaan kaliya inay usii maraan Mareykanka.

Amiir wuxuu sidoo kale sheegay in garoonka ay ku heysato xaalad aad u adag sida iyagoo jiifa shamiito walibana dalka Brazil uu ku jiro xili aad u qabow,taasna ay u sii dheertahay inaysan heysan wax buste ah.

Dhalinyadan ayaa ka safray dalka Koonfur Afrika sida uu BBC-da u sheegay Amiir ujeedka safarkooda uu yahay inay u sii tahriibaan dalka Maraykanka.

Si kastaba dhalinyaradaan tahriibka ahaa ayaa lagu celiyay garoonka diyaaradaha Brazil dhamaadkii bishii hore, waxaa loo sheegay inay ka war sugaan  go’aanka Dowlada brazil taasoo noqon karta in dib loo celiyo walow iyagu rajeynayaan inay helaan qaabilaad qaxooti xili Dalka brazil joojiyay qaabilaada.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

dhalinyaro Soomaal ahdhalinyaro Soomaali ah Dhalinyarada Soomaalida

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here