PORT-SUDAN (DAYNIILE.COM)-Soomaali tahriib ahayd ayay Dowlada Somalia ku guuleysatay inay xabsiyada Dalka Sudan ka sii daayso sida uu xaqiijiyay Sii-hayaha Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Suudaan Mr. Axmed Cabdi Xassan (Axmed Suudaani)

Masuulkaan ayaa xusay tirada dhalinyarada ay xabsiga ka sii daayeen ay gaareyso 31 dhalinyaro ah oo rag iyo dumar isugu jira, Danjire Axmed wuxuu carabka ku dhuftay inay 24 yihiin rag halka 7 kalana ay dumar yihiin maxaabiista Soomaalida ee ay xoriyadooda siiyeen.

Advertisement

Axmed Cabdi Xassan (Axmed Suudaani) oo hada ku sugan magaalada Port-Suudaan ayaa tilmaamay in magaaladaasi laga dhigay caasimada KMG ah madaamabKhartuum dagaalo ka jiraan.

“Habeen hore  27 bishaan ayaan magaalada Port-Suudaan ka dirnay 31-ka Soomaalida ah, waxaana u dirtay ciidooda Soomaaliya”ayuu yiri si hahaha safaarada oo wareysi siiyay Idaacada VOA-da

Guud ahaan Soomaalidaan xabsiyada laga soo daayay  ayaa u badnaa tahriibayaal doonayay in ay tahriib ku tagaan Libya ugana sii gudbaan Yurub.

Dhanka kale Danjiraha wuxuu sheegay inay jiraan tahriibayaal Soomaali ah oo dhawaan gaari ay la socdeen maleeshiyaad ay weerar ku qaadeen islamarkaana ilaa hada la la’yahay nolol iyo geeri.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here