MOMBASA (DAYNIILE.COM)-Ciidamada Booliiska Magaalada Xeebeedka Mombasa ee Dalka Kenya ayaa soo xirey Somali-Kenyan heystay hub sharci ah xili uu iska difaacayay kooxaha banaan-baxyada ka wada Kenya kuwaasoo doonayay inay goobtiisa ganaci boobaan.

Waxaa saacadihii ugu dambeeyay baraha bulshada aad loo wareejinayay ninkaasi Soomaaliga ah oo tukaankiisa hortiisa ka difaacaya tobaanaan ka tirsan kuwa burcada ah ee banaanbaxyada wada kuwaasoo doonaya inay boobaan goobtiisa ganacsi isna uu bastoolad ku hor taagan yahay.

Advertisement

Waaxda dambi baarista Kenya ee DCI-da ayaa shaacisay inay soo xireen  mid ka mid ah ganacsatada ismaamulka Mombasa iyagoona ku eedeeyay inuu dhaawacay laba  mida banaan-baxayaasha kuwaasoo shalay dibad baxyo ka sameeyay Magaalada Xeebeedka Mombasa.

Ninkaan Soomaaliga ah ayaa leh maqaayadda Qaffee Point ee magaalada Mombasa wuxuuna heystaa hub sharciyeysan.

War ka soo baxay  waaxda DCI-da ayaa lagu baahiyay in milkiilaha maqaayadda Qaffee Point ee magaalada Mombasa uu gacantiisa ku dhaawacay laba ka mida shacabkii dibad-baxyada sameynayay abbaare 1:30 duhurnimo ee shalay.

Waaxda danbi baarista Kenya ee DCI-da  waxay intaasi ku dareen inay Booliisku la wareegeebn hubkii ganacsadaha uu sida sharciga ah ku heystay

Dhanka kale dibadbaxayaasha oo ka carooday toogashada uu gaystay ganacsadahan waxay gubeen 5 baabur oo hor taalay goobtaaasi ganacsi,sidoo kale waxay burburiyeen iska maqaayada ninkaasi Soomaliga ah uu lahaa.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Qaffee POINT | MombassaQaffee Point | Your new favorite spot to unwind, refresh and indulge.  Welcome to Qaffee point #qaffeepoint #cafe #restaurant #foodies  #coffeeandtea… | Instagram

Qaffee POINT - Welcome to Qaffee POINT, Everyone's Living...

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here