Soo dhoweynta Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abii Axmed oo la filayo inuu saacadaha soo aaddan dalka booqasho rasmi ah ku yimaado ayaa si weyn looga dareemayaa magaalada caasimadda ah ee muqdisho.
Jidadka waaweyn ee caasimadda gaar ahaan kuwo ku yaalla agagaarka gegiga diyaaradaha Aadan cadde iyo madaxtooyada Qaranka ayaa lagu dhajiyay boorar ay ku xardhanyihiin calamada Soomaaliya iyo Itoobiya, sidoo kalena ay ku sawiranyihiin hoggaamiyaasha labada dal.
Waxaa sidoo kale la filayaa in waddooyinka qaarkood ay maamta xirnaan doonaan inta uu soo degayo wefdiga Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, ayadoo dhanka kale la xadiday duulimaadyadii ka baxayay iyo kuwii imaan lahaa garoonka Aadan Cadde.
Booqashada Ra’iisul Wasaare Abii Axmed ayaa ah tii ugu horreysay ee uu Soomaaliya ku imaanayo taniyo markii ay labada dal dhex martay xiisad dublumaasiyadeed oo meeshii ugu sarraysay gaartay, balse ugu dambeyn lagu xalliyay heshiis ka dhacay magaalada Ankara.