HARGEYSA (DAYNIILE.COM)-Wasiirka Warfaafinta Maamulka Somaliland ayaa si kulul uga jawabay eedeyn dhawaan uga timid dhanka maamulka Puntland taasoo ahayd inay xiriir la leeyihiin Alshabaab iyo Daacish islamarkaana agtooda laga soo abaabulay..
Wasiirka ayaa iska diiday eedeyntaasi isagoo beeniyay inay wax xiriir ah la leeyihiin kooxahaasi ,wuxuu tilmaamay in xitaa kooxaha burcada badeeda aan laga aqoon dhankooda oo ayna amnigooda si ad ah u sugteen.
“xitaa taariikhda xeebaheena burcad badeed waligood wax kuma afduuban”ayyu yiri isagoo ku faanay inay darajadaasi ku gaareen sida ay amnigooda uga shaqeeyeen.
Dhanka kale wasiirkaan u hadlay Maamulka Somaliland wuxuu caraba ku dhuftay in Madaxweynaha Puntland Saciid Dani uu ka yimid kooxaha argagaxisada islamarkaana markii la soo dooranayay ay iyagu soo maalgashteen.
“Saciid Dani isagaaba ka yimid Alshabaab, waana mashruuc Somalia ka jira qeybna kama nihin”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Somaliland.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM