LAAS CAANOOD (DAYNIILE,COM)-Masuulka Maamulka Somaliland ugu qaabilsan arimaha dibada Aadan Daahir Bakaal ayaa ka dhawaajiyay in Dowlada Mareykanka ay la qaadatay Maamulkooda joojinta safarka Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya uu ku tagayo Magaalada Laas-canood
Somaliland “Mareykanka wuxuu nala qaatay joojinta safarka Xamsa ee Laas-caanood,dagaal weyn ayaan ka galnay arinkaasi insha allaaH.”ayuu yiri Wasirka
Warkaan wuxuu ku soo aadayaa xili maalmihii ugu dambeysay ay taagnayd xiisad ka dhaxeysa Maamulka Sonaliland iyo Dowlada Somalia,waxayna ka digayeen in hadii Xamsa uu tago Laas-caanood ay macquul tahay in la dilo .
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM