CEERI-GAABO (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Magaalada Ceeri-gaabo ee Xarunta Gobolka Sanaad ayaa sheegaya in halkaasi ay ka jirto xiisad baahsan oo ka dhalatay kadib dil habeen hore halkaasi loogu geystay nin Magaalada laga yaqaanay.

Wararka ayaa tilmaamaya in ninka la dilay uu soo duubay muuqaal baraha bulshada ku faafay kaasoo uu ku muujinayay taageerada uu u hayo Maamulka Khaatumo ,sidoo kale wuxuu dhaliilay Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi xili Magaalada Ceeri-gaabana ay ka taliyaan Somaliland.

Advertisement

Ninkaani oo magaciisa lagu sheegay Salmaan Aadan Cabdi kana soo jeeda SS Khaatumo ayaa la sheegay in muuqaalka ka dib la dilay taasina ay keentay xiisad sababtay in dagaal uu ka dhaco deegaanka Goof oo qiyaastii 40 KM ka baxsan magaalada Ceerigaabo.

SalmaanMaleeshiyaadka deegaanka Goof ku dagaalamayay ayaa iska dilay 8 ruux sida wararku tilmaamayaan, waxaana laga cabsi qabaa in colaada dilkaani ka dhalatay ay saameyn ku yeelato Magaalada Ceeri-gaabo.

Warar kale ayaa tilmaamaya in ciidamo ay ka soo baxeen dhanka Laas-caanood si ay u gaaraan aaga Ceeri-gaabo taasoo iyana keeni kara dagaalo kale oo toos u dhexmaa SSC Khaatumo iyo Somaliland kadib sanad ka hor oo ay ku dagaalameen Laas-caanood halkaasoo ugu dambeyn ciidamadii Somaliland laga eryay.

Warar kala duwan oo ka soo kala baxay Dowlada Soomaaliya iyo Maamulka Somalliland ayaa nabad ugu baaqay dadka walaalaha ee wada dega Gobolka Sanaad iyadoo loogu baaqay in nabada la wada shaqeeyo lana xaliyo colaada ka dhalatay dilka Allaha u naxariistee Salmaan Aadan Cabdi.

Dhanka kale Saaka aroortii waxaa lagu arkay Magaalada Ceeri-gaabo ciidamo dheeraad ah oo magaalada gaaf wareegaya kuwaasoo ka tirsan maamulka Somaliland,waxayna magaalada saareen bandow galabtii bilaabanaya ilaa subaxa xiga.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here