QAAHIRA (DAYNIILE.COM)-Waxaa lagu wadaa in Sabtia beri ah Magaalada Qaahira ku kulmi doonaan sedexda Dal ee Masar,Somalia iyo Eritrea.
Shirkaan waxaa isugu iman doona sedexda Wasiir arimo dibadeed ee dalalkaani xili hore ay isbaheysi ugu dhawaaqeen sedexda Madaxweyne kulan ka dhacay Dalka Eritrea.
Shirkaan waxaa la sheegay in looga hadli doono adkeynta iskaashiga isbaheysigii ay hore u sameysteen sedexdaan dal,sidoo kale waxaa sirka lagu soo qaadi doonaa amniga iyo xiriirka gobolka Geeska Afrika.
Shirkii Asmara ku dhex maray sedexda Madaxweyne Bishii Oktober ee sanadkii dhamaaday 2024 waxay ku heshiiyeen sedexda dal sidii loo ilaalin lahaa marin-biyoodka Badda Cas,adkeynta amniga Gobolka iyo iskaashiga dhaqaalaha oo ay isla xuseen.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
Advertisement