Agaasimaha guud ee Waaaaradda Warfaafinta XFS Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa magaalada Abu dhabi ee wadanka isu tagga Imaaraadka Carabta uga qeybgalay shirka guddiga joogtada ah ee Wasaaradaha Warfaafinta dalalka Carabta, kaas oo looga hadlayay xadgudubyada lagu haayo shacabka reer Falastiin iyo sida ay warbaahintu isaga kaashan laheyd.

Shirka oo maanta lasoo gabagabeeyay ayaa dhinaca kale waxaa looga hadlay madal bulsho oo ay leeyihiin wadamada carabta, taasi oo la jaanqaadeysa Teknoolojiyadda cusub iyo in warbaahintu iska kaashato la dagaalanka fikirka xagjirka.

Guddiga oo hoostaga golaha Wasiirada Warfaafinta dalalka Carabta ayaa lagu go’aamiyay in caasimadda Kuwait ay noqoto sanadka 2025-ka xarunta Warbaahinta Carabta.
May be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 1 person, dais and textMay be an image of ‎1 person and ‎text that says "‎والية වල්න العالة اجتماع الدورة العادية (102) للجنة الدائمة للإعلام العربي يار الله Sti منند ابدائمة حي امإعلام رگ‎"‎‎
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here