Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Soomaaliya Mudane Ahmed Saciid Mohamed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa caasimadda Tuniisiya ee Tuunis uga qayb galay kulan ay isugu yimaadeen madaxda Hay’adaha Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee wadamadada ku jira Ururka Jaamacadda Carabta.

Shirkan oo sannadle ah ayaa waxaa xilligan diiradda lagu saaray, ka hortagga dukumentiyada safarka ee been abuurka ah iyo la dagaalanka socdaalka sharci daradda ah (Tahriibka), iyadoo gabagabadii lagasoo jeediyay talooyin ku habboon sida looga hortagi karo socdaalka sharci darada ah.

Shirka ayaa oggolaaday in la abuuro Guddi Farsamo oo ka shaqeeya diyaarinta hab Digital ah oo lagu wadaago xogta la xirriirta safarka iyo dhaqdhaaaqa muwaadiniita wadamada ku jira Jaamacadda Carabta.
May be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 5 people, newsroom, dais and textMay be an image of 5 people, the Oval Office, newsroom, dais and textMay be an image of 2 people, flag, dais, newsroom, office and textMay be an image of 7 peopleMay be an image of 6 people, lighting, speaker, table, dais and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here