Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Amb.Khadiija Maxamed Almakhzoumi iyo Wasiirka Xanaannada Xoolaha XFS Xasan Xuseen Maxamed ayaa ka qeyb galay furitaanka rasmiga ah ee shirka caalamiga ah ee #COP16, oo sanadkan lagu qabanayo magaalada Riyaad, ee Boqortooyada Sacuudiga.

Soomaaliya ayaa qeyb ka ah taageeridda dadaallada caalamiga ah ee lagu xallinayo caqabadaha isbeddelka cimilada, iyadoo shirkaan xoogga lagu saarayo adkeysiga deegaanka si loo ilaaliyo mustaqbal waara oo loo wada dhan yahay.

Sidoo kale, Shirka #COP16 waxa uu fursad muhiim ah u yahay in Soomaaliya ku muujiso dadaalkeeda dhinaca deegaanka, isla markaana ay xoojiso iskaashiga caalamiga ah ee la dagaallanka cimilada sii xumaanaysa.May be an image of crowd and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here