Kadib markii saaka xildhibaanada Maamulka Jubaland ay u codeeyeen Axmed Madoobe markii sadexaad Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubaland ayaa waxaa soo kordhaya masuuliyiinta u codeyneysa sida siyaasiyiinta iyo waxgaradka.
Siyaasiyiinta Mucaaradka oo ugu horeeyo Ra’iisulwasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xildhibaan Shariif Sheekh Axmed,iyo Xildhibaan C/raxmaan C/shukuur Warsame ayaa dhamaantood barahooda bulshada waxay soo geliyeen qoraalo ay ugu hambalyeynayaan Axmed Madoobe.
“Waxaan hambalyo u dirayaa Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam oo mar kale loo doortay Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Jubbaland, Waxaan ugu baaqayaa in uu mudnaanta koowaad siiyo dib-u-heshiisiinta Jubbaland, la dagaallanka Khawaarijta, iyo xasilloonida Jubbaland”ayuu yiri Ra’iisulwasaarihii hore ee Somalia Xasan Cali Kheyre.
Ra’iisulwasaarihii hore wuxuu sidoo kale sheegay in Doorashada Jubbaland ay jid iyo jiho u yeelayso doorashooyinka Dowladda Federaalka iyo Dolwad-Goboleedyada oo hubanti la’aan ku jiray.
Sidoo kale Madaxweynihihii hore ee Somalia Sharii Sheekh Axmed ayaa isna ka hadlay dib u doorashada Axmed Madoobe.
“Waxaan halkaan ugu hambalyeynayaa Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo maanta Baarlamaanka Jubaland u doortay in uu hogaamiyo Dowlad Goboleedka Jubaland shanta sano ee soo socota, Waxaan Allaah ugu baryayaa in uu u fududeeyo mas’uuliyadda culus ee loo doortay”ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed
Sidoo kale Syaasiga Xildhiban C/raxman C/shukuur Warsame ayaa isna u hambalyeeyay Axmed Madoobe oo markii sedaxaad ku soo laabanaya xilka Jubaland.
“Waxaan u hambalyeynayaa Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam oo maanta loo doortay xilka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland. Madaxweyne Axmad waxaa horyaalla hawlo culus oo baaxad wayn leh oo ay ugu muhiimsan yihiin dib u heshiisiinta bulshada Jubaland, la dagaallanka Khawaarijta, adkaynta nabadgelyada, xasilloonida iyo ilaalinta wadajirka iyo midnimada reer Jubaland”ayuu yiri C/raxmaan C/shukuur.