Ra’iisulwasaarihii hore ee Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu kaga hadlay guusha uu gaaray Wasiirka arimaha dibada Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf kaasoo shalay loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika.May be a graphic of 1 person and text that says "Mahmoud A.Y The Africa we want, integrated, peaceful and prosperous"
Qoraalka Xassan Cali Kheyre ayaa sidan u qornaa:-
Waxaan shacabka iyo dowladda aan walaalaha nahay ee Jabuuti ugu hambalyeynayaa guusha taariikhiga ah ee maanta Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika loogu doortay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf.

Doorashada Guddoomiye Maxamuud Cali Yuusuf waa libin diblomaasiyadeed oo u soo hoyatay dalka Jabuuti, waxa ayna ku soo aadeysaa xilli xasaasi ah oo baahi badan loo qabo hoggaamiye xilkas ah, waxaana rajaynayaa in uu Midowga Afrika u horseedo horumar, iskaashi, wadajir, barwaaqo, iyo xasillooni waarta.

Mar kale hambalyo Guddoomiye Maxamuud Cali Yuusuf, iyo guud ahaan shacabka iyo dowladda Jabuuti.

Sidoo kale Madaxweynihii hore ee Somalia Shariif Sh.Axmed Iyo C/raxmaan C/shukuur oo iyaguna mucaaradka ka mida ayaa sidaas oo kale u hambalyeeyay guusha Jabuuti.

Qoraalka Xildhibaan C/raxmaan C/shukuur  ayaa sidan u qornaa:-

Advertisement

Waxaan u hambalyeynyaa walaalkeen Maxamuud Cali Yuusuf oo loo doortay Guddoomiyaha Midowga Afrika. Waxaan ku rajo weynahay in waayo-aragnimadiisa, aqoontiisa, iyo kartidiisa uga faa’iidayn doono Midowga, wax ka qabadka arrimaha murugsan ee gobolka iyo dheelitirka loolanka cusub ee juqraafi siyaasadeed dunida.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here