Waxaa maanta hub lagu qabtay Magaalada Cabud-waaq ee Gobolka Galgaduud kaasoo lagu siday gaadiid xamuul , islamarkaana laga keenay dhanka Itoobiya.

Inkastoo warar kala duwan ay ka soo baxeen hubkaan oo ay wadeen ciidamo ka tirsan Nabad-sugida qaranka balse ay hal gaari ka xoogeen dadka deegaanka markii ay dagaal kala hortageen kaasoo khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh uu ka dhashay.

Advertisement

Hal gaari oo hubka sida waxaa bililiqeystah shacabka reer Cabud-waaq kuwaasoo hal hal u lala qaatay.

Siyaasiga Cali Yare Cali oo Dowladii Farmajo ka soo noqday Gudoomiye xigeenka Maamulka Gobolka Banaadir ayaa bartiisa Facebook soo noqday qoraal uu ku sharaxay xogta uu ka helay wararka kala duwan ee ka soo baxaya cida iska leh hibkaasi.

Qoraalka Cali Yarre ayaa sidaan u qornaa:-

YAA LAHAA HUBKA ?

Labo xog ayaa laga helayaa;

1. Inuu leeyahay ganacsade reer Galmudug ah

2. In hubka laga leeyahay degmooyinka Ceeldheer, Galcad iyo Masagawaa oo uu lacagtooda bixiyay nin oday ah oo aad u weeyn.

YAA XOGTA HUBKA U DUSIYAY SHACABKA?

Saddex xog ayaa la sheegayaa;

1. Madaxweynaha Galmudug uu bixiyay xogta isaga oo ku xumeeynayay ragga hubka lahaa oo ay xurguf xooggan oo kusriga ah ka dhaxeeyso

2. Xildhibaan Abdullahi Kulane oo iibinta hubka kaalin xooggan oo dulaalnimo ku lahaa maalmahaanna arrintaas darteed Jigjiga ugu sugnaa

3. Qaar kamid ah raggii hubka laga soo gaday.

DANBI WEEYN OO LA GALAY.

In xabashi oo maanta uu naga dhexeeyo dagaal dhaqaale ku saleeysan malaayiin lacag ah hub looga soo iibiyo waa danbi weeyn oo qaranka laga galay ayna tahay in guddi baaritaan oo aan dowladda kali ah ku koobneeyn loo saaro.

DHEERI:

Labo arrimood midkood xusitaan ayuu mudanyahay midina waa murugo weeyn.

1. Waxaa xusid mudan in dadka soomaaliyeed ee wada daga Galmudug in ay ganacsi ahaan isku furanyihiin, gaadiidkooda isdhex maro, ay leeyihiin hal canshuur oo mideeysan, sidoo kale hubka magaca maamulku Galmudug huwan uu isdhex qaado laakiin aanu hubka qabaa’ilku gaarka u leeyahay aanu marnaba is-dhexmarin.

2. Tan murugada leh waa qofkii hubkaas baaxadda leh soo iibsaday oo aan maanta sheegan karin in waxa la bililiqeeystay ay tahay hanti uu lahaa oo uu isku darsaday xoolihiisii oo lagu hor qaatay iyo isagii oo aan sheegan karin.

GUNAANUD:

Haddii uu hub dowlo ahaa dowladdu dadka iyo dalka labadaba danbi qaran oo weeyn ayay ka gashay – hadii uu hub qabiil ahaa iyaduna waa qalad oo qabaa’ilku heshiis kuma ahan in hubkoodu is-dhexmaro.

FG: Waan daba socon doonaa ilaa aan bulshada la wadaago liiska raggii hubka soo gaday iyo kuwii lahaa intaba.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here