Siyaasiga Gudoomiyihii hore ee Maamulka Gobolka Banaadir Cali Yarre Cali oo baaha bulshadana aad u isticmaala ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Faceboob wuxuu soo jeediyay in xilka laga qaado Taliyayaasha Milatariga Ibraahin Sh.Muxudin iyo Asluubta Taliye Shub .
Sidoo kale wuxuu amaan u soo jeediyay Taliyayaasha Naad sugida Sambaloolshe iyo Booliiska Macalin Mahdi.
Advertisement
Hadaba halkaan ka akhriso qoraalkiisa oo dhameystiran:-
Ninkii Macalin Mahdi ahaa ee Booliska Xamar heeystay armuuba shaqooyinkaan edbinta iyo xasilinta ah ee uu qabtay darteed uu taliyaha booliska soomaaliyeed ugu dallacaa sannadkii ay Saleebaanka u saarneeyd oo “meel soo arko” ku caanbaxayna waa la joogaaye.
Sanbaloolshe iyo Macalin Mahdi waa shaqeeyeen dalkana dagaal sokeeye ayay ka badbaadiyeen.
Wadanku hadda laamo amni oo adag, garsoor ilaa xad qaladkiisu yaryahay iyo dareen bulsho oo isla jaanqaaday ayuu yeeshay.
Xisaabta amniga hadda waa isku toosantahay waana loo riyaaqay.
Kali ah waxaa dhiman ganacsadaha ciidanka iyo taliyaha ilaalada Bashiir Goobe oo bulshada wajigooda laga qariyo kuwa dhaamana la keeno.
Advertisement