NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Faarax Macalin oo ka mid ah Diblomaasiyiinta Somali Kenyaanka ah ayaa markii ugu horeysay bayaaniyay oo ka shifay cida alshabaab fangareysa iyo ujeedka laga leeyahay intaba.

Faarax Macalin oo wareysi siiyay Universal TV ayaa sheegay in qorshaha Alshabaab ay wataan reer Galbeedka iyo Maamulka Gobolada waqooyi Somalia ee la baxay Somaliland.

Advertisement

Siyaasigaan wuxuu xusay in reer galbeedku fangareeyaan kooxda Alshabaab ujeedka ugu weyna uu yahay sidii loogu mashquulin lahaa koonfurta Somalia kadibna sidaas caalamku ugu aqoonsado Dowlad ka madax banaan Somalia inteeda kale.

“sida dad badan aaminsan yihiin anigana aan ka mid ahay Alshabaab-ka asalkiisaba intooda ugu badan inay ka yimaadaan dhanka somaliland,reer Galbeedka iyo Soamliland-na way isla ogyihiin waa sheeko loogu talo galay in koofurta Somalia lagu mashquuliyo  ilaa laga aqoonsado Somaliland”ayuu yiri Siyaasi Faarax Macalin

Fikirkaan waa mid inta badan waxgaradka koofurta Somalia ay aaminsan yihiin iyagoo ka eegaya in amiirada Alshabaab xukuma ay inta badan ay yihiin dad asal ahaan ka soo jeeda waqooyiga Somalia.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COMFaarax Macalin: “Dowlada Kenya waxay 1.5 Milyan Dollar ku bixisaa bil kasta  mushaarka ciidamada Jubbaland.”

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here