Siyaasiga Cali Yarre Cali oo ah Gudoomiye xigeenkii hore ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa bartiisa Facebook soo geliyay Fadeexad uu sheegay inay ku dhacday Xukuumada Soomaaliya uu hogaamiyo Xamze Cabdi-Barre.

Qoraalka Cali Yarre uu ku sharaxay fadeexada ayaa sidan u qorneyd:-

Advertisement
FADEEXO QARAN.
Xafiiska Ra’iisal wasaaraha oo Company shisheeye ah qandaraas ku siiyay inuu shaqaalaha xafiiska u kala shaandheeyo (Reform).
Waajibaadka shirkadda la siiyay waa inuu isku shaansheyn “Reform” ku sameeyo dhamaan shaqaalaha ka howlgala xafiiska ee isugu jira kuwa sare, dhexe iyo kuwa hoose intaba.
Shirkadda waxaa gacanteeda la galiyay dhammaan xogta shaqaalaha Xafiiska RW.

Isla shirkadda shisheeye ayaa go’aan ka gaareeysa inta muwaadiniin soomaaliyeed ah oo shaqada looga saarayo.

Waa taariikh ugub ah in hay’ad dowladeed ay shirkad gaar loo leeyahay [private company) oo ajnabi ah ku wareejiso xogta shaqaalaha Qaranka, una xil saarto inay dib-u-qaabeeyn ugu sameeyaan, taasoo meel ka dhac iyo ceeb ku ah Xukuumada RW Xamze Cabdi Barre.

Caadi ahaan Xamse wuxuu kamid ahaa dadka tirada yar ee ka dhowrsanaa shisheeye kalkaalnimada iyo tuugnimada wuxuuse caan ku yahay inuu yahay Ra’isalwasaarihii sida ugu xun oo arxan darro ah u ciqaaba shaqaalaha dowladda kuna mashquula maadaama aanu xafiiskiisa heysan shaqooyin kale oo uu ka shaqeeyo.
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here