Siyaasiga Cali Yarre Cali oo Dowladii Farmaajo ka soo noqday Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir ee Caasimada Dalka ayaa weerar afka ah ku qaaday Hogaamiyaha ama Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe.
Siyaasigaan ayaa qoraal uu la wadaagay baraha bulshada wuxuu si weyn ugu dhaliilay hab-dhaqanka Axmed Madoobe isagoona ku amaanay Dowlada Somalia talaabooyinka ay ku dooneyso inay Axmed Madoobe talaabo kaga qaado.
Diyaarado nuuca xamuulka qaada ah oo sida ciidan, hub iyo gaadiid dagaal ayay dowlad goordhow ka dajisay Raaskambooni.
Waa tallaabo dowladnimo ka turjumeeysa, bogaadin mudan oo horay loo qaaday.
Axmed Madoobe wuxuu halis-qaran ku yahay dalka midnimadiisa, xornimadeenna iyo wadajirkeenna — in laga badbaadiyana waa madhaafaan, lama huraan, sharaf, waajib-qaran iyo cibaado.
Axmed Madoobe wuxuu la soo dagaalay 5 Madaxweyne soomaaliyeed, su’aasha ayaa ah shantaba ma isaga ayaa ka saxsanaa?
Qofkii shalay [2017-2022] Axmed Madoobe diidanaayoow maanta ha beddelin fikirkaagii waayo Axmed Madoobe ma beddelin fikirkiisii.
Alshabaab, Amxaaro iyo Axmed Madoobe waa khad-cas. Xasan tiisuna waa budo gaar u tuman.
Advertisement