Siyaasiga C/raxman C/shukuur oo dhanka kalana ah xildhibaan Soomaaliyeed ayaa sharaxaya shaqada rasmiga ah ee laga rabo Madaxweynaha daacada ah ee dalka hogaaminaya.
Micnaha ereyga Madaxweyne ayuu sheegay Xildhibaanku inaan loo fahmin inuu yahay awood ama mansab balse uu ka qota dheeryahay arintaasi.
Qoraalka C/raxmaan C/shukuur oo sidiisa u qoran halkaan ka akhriso:-
Hoggaanku waa dhaafsiisan yahay awood ama mansab, waa dareen masuuliyadeed oo hiigsi iyo han ummad lagu xaqiijiyo.
Daacadnimada, tawaaduca, dulqaadka nafhurka, adkaysiga iyo hadaldeeqsiinta ayaa hoggaamiyaha dhabta ah siiya burji (charisma) uu bulshada ku dhiirigeliyo si iskaa wax u qabso ahna (voluntary) dhanka hadafka ugu dhaqaajiyaa.

Hoggaamiyaha is-beddelka dhaliya waa kan isku arka adeege, danta guud ka horreysiiya tiisa gaarka ah, ka feejigan cawaaqib xumada ka dhalan karta ficilkiisa, kana fekera dhaxal taariikheed iyo wax faa’iido u leh jiilalka soo socda.
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here