Mid ka mid ah siyaasiyiinta caanka ah ee dalka Sweden ayaa dardar galinaya in uu u ololeeyo sidii loo aqoonsan lahaa jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland.
Markus Wiechel ayaa qoraal uu soo dhigay barta uu ku leeyahay X ama hore loo dhihi jiray Twitter wuxuu ku sheegay in halgan uu ugu jiro sidii loo aqoonsan lahaa Somaliland.
“Halgankii aan u galay dib u ictiraafka Somaliland iyo muhiimadda juquraafi-siyaasadeed ee ay u leedahay u qiridda guushooda ayaan maqaal cusub ku soo qaatay” ayuu qoraalkiisa ku sheegay.
Sida ay qoreen qaar ka mid ah warbaahinta Sweden doodda ku saabsan aqoonsiga Somaliland ayaa dood kulul ka dhex dhalisay Markus Wiechel oo ka tirsan xisbiga Sverigedemokraterna (SD) iyo wasiirka arrimaha dibadda Maria Malmer Stenergard.
Wiechel waxa uu wasiirku ku cadaadiyay inay caddeeyso mawqifka Sweden ee Somaliland iyo aqoonsigeeda, isagoo ku dooday in tallaabadan oo kale ay muhiim u tahay istiraatijiyadda juqraafiyeed ee Sweden, gaar ahaan ka hortagga saamaynta sii kordhaysa ee Shiinuhu ku leeyahay Geeska Afrika.