Siyaasi Cali Yarre Cali oo Dowladii Farmaajo ka soo noqday Gudoomiye ku xigeenka Maamulka Gobolka Banaadir ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada wuxuu amaan kala dul dhacay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Qoraalka Siyaasi Cali Yare Cali ayaa sidan u qornaa:-
Guul taariikhi ah ayuu madaxweyne Xasan Sheekh xalay ka soo hooyay Ankara.
Xabashi labo sannadood diidaneeyd midnimada dhuleed ee jamhuuriyadda soomaaliya ayuu caalamka hortiisa jilbaha dhulka ugu dhuftay uga saxiixay in ay xaqiiqada ku qancaan.
Dowladda Turkiga oo NATO ka tirsan madaxweynaheeda Erdogan ayaa marag ahaa.
Waxaa iyana boggaadin mudan qoraalka lagu qeexay inuu ahaan doono kiro ama qandaraas ee si dhameeystiran meesha looga saaray kalmaddii “lahaan-shaha ee ay xabashida qaribani rabtay.
Inta badan qeybihii iyo farsamadii heshiisku waa dhimantahay.
Sidii dhacday markii ay madaxweyne hore Farmaajo iyo Aby Axmed kala saxiixdeen hehsiiskii maalgashi ee dekedaha qeylo iyo dacaayad ayaa la faafiyay taas oo aakhirkii lagu hungoobay. qaarka maanta heshiiskii xalay dacaayadda ka fidinaya kuwaas waxba kama duwana.
Sooyaal ahaan, Madaxweyne Xasan Shiikh wuxuu ku suntanyahay difaacidda qadiyaddaha Badda soomaaliyeed, waxaana si weeyn looga xasuustaa oo ay muxaafad iyo mucaarad intuba dood kasoo celin karin halkii uu marsiiyay murankii Badda ee innaga iyo Kenya.
Waxaan sidoo kale marnaba indhaha laga qarsan karin halgankii uu qadiyadda ilaalinta midnimada uu u galay wasiirka dibada Ahmed Moallin Fiqi.
Ilbaxnimada iyo gobannimada ayaa nagu qancineeysa inaan masuulka soomaaliyeed ka sheegno ammaan iyo dhaliil had-ba middii uu leeyahay.
Advertisement