DIRI-DHABE (DAYNIILE.COM)-Siyaasi Aadan Alaale ayaa la soo sheegayaa in lagu xirey lagu xirey Magaaladas Diri-dhabe ee dhulka ismaamulka Itoobiya halkaasoo uu asal ahaan ka soo jeed.
Aadan Alaale waa siyaasi caan ka ah dhulka Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya si cadna wali Dowladu uma sharixin sababta loo xirey oo xabsiga loo dhigay.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in siyaasiga loo heysto warar uu hore saxaaada uga sheegay kuwaasoo uu ku dhaleeceynaayay maamulka hada ka arimiya magaalada Diri-dhabe.
Siyaasigaan ayaa inta badan u dooda dadka ku dhaqan Diri-dhabe oo uu ku celceliyo ineysan helin xuquudii ay dhanka maamulka ku lahaayeen taasoo iyada lateeda loo aaneynayo sababta loo xirey mara la eego dhaliilaha uu u jeedinayo maamulka Diri-dhabe.
Xarigiisa markii uu soo baxay wixii ka dambeeyay waxaa soo badanaya diidmada laga muujinayo xarigiisa iyadoo odey dhaqameedyadu cambaareeyeen xariga Dowlada Itoobiya ee Siyasiga Aadan Alaale.
Shacabka Magaalada Diri-dhabe oo ah halka uu ka soo jeedo masuullka xiran ayaa muujiyay sida ay u doonayaan in la sii daayo siyaasiga Aadan Alaale iyagoona si xooggan uga horyimid talaabada Dowladu qaaday.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM