Xildhibaan C/raxmaan C/shukuur Warsame oo ka mida siyaasiyiinmta ah caanka ah ee Mucaaradkana ku ah Dowlada Somalia ayaa war qoraal ah uu soo dhibay bartiisa Facebook wuxuu ku eedeeyay Xukuumada Somalia inay wax ka badashay mowqifkii laga tagna arinta xad-gudubka Itoobiya taasoo ahayd inan wada hadal lala galin Itoobiya ilaa iyo inta ay ka laabanayso qaladaadka ay Somalia ka gashay.

Crxamaan C/shukuur Warsame ayaa ka dalbaday Dowlada Somalia ee uu hogaamiyo Madaxweyne Xasan inay cadeeyaan sababta keentay isbadalka ka muuqda.

Advertisement

Qoraalka Xildhibaan C/raxmaan C/shukuur ayaa sidan u qornaa:-

Go’aanka lagu diiday heshiiskii Is afgaradka ee dhex maray dolwadda Itoobiya iyo Somaliland wuxuu ahaa mid qaran oo xukuumadda, labada aqal ee Baarlamaanka iyo siyaasiinta mucaaradka oo dhami isku raaceen.
Waxaan muuqata in uu is-beddelay go’aankii xukuumadda ee ahaa in aysan wadahadal fool ka fool ah la galaynin Itoobiya ilaa iyo inta ay ka noqonayso isfahamka, aqoonsanaysana midnimada, wadajirka iyo gobbonimada qaranka Soomaaliya.
Waxaan ka rabnaa Madaxweynaha oo hoggaan u ahaa hawshan in uu ballaariyo talada ku aaddan arrintan ee uusan kaligii isku koobin. Waxaa kaloo muhiim ah in la caddeeyo sababaha keenay is-beddelka Mowqifka xukuumadda.
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here