Kooxda Bayern Munich ayaa lagu soo waramayay inay xiiseyneyso daafaca dhexe ee Liverpool, Virgil van Dijk, iyada oo ay jiraan warar sheegaya inay dalab rasmi ah u dirtay ciyaaryahanka reer Holland.
Qandaraaska Van Dijk ee Liverpool ayaa gabaabsi ku dhow, inkastoo uu dhowaan sheegay inuusan weli go’aan ka gaarin mustaqbalkiisa. Wararka ka imanaya Spain ayaa tilmaamaya in Bayern Munich ay dooneyso inay daafacan khibradda leh ku qanciso inuu xirfaddiisa u wareejiyo Bundesliga marka uu qandaraaskiisu dhammaado xagaagan.
Si kastaba ha ahaatee, wariyaha reer Jarmal ee Florian Plettenberg ayaa wararkaas ku tilmaamay kuwo aan sal iyo raad toona lahayn. Plettenberg ayaa ku adkeystay in Bayern Munich aysan wax qorshe ah ka lahayn inay la saxiixato Van Dijk.
Van Dijk, oo ah 33 jir, ayaa ku jira bilihii ugu dambeeyay ee qandaraaskiisa Liverpool, mana jiro heshiis cusub oo uu u saxiixay kooxda ilaa hadda. Inkastoo taageerayaasha Liverpool ay rajeynayaan in xiddigani sii joogo, haddana xaaladdiisa mustaqbalka ayaa ah mid aan caddayn.
Haddii uu Van Dijk go’aansado inuu ka tago Liverpool xagaagan, wuxuu noqon doonaa daafac sare oo suuqa kala iibsiga xagaaga xiiso weyn ka abuuri kara, iyadoo kooxo badan oo waaweyn ay u arkaan xiddig ay ku xoojin karaan difaacooda.
Lama hubo waxa uu noqon doono go’aanka Van Dijk maadaama mustaqbaljiisa uu weli hadal toos ah kasoo saarin.